7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 12, 2023
Faysal Cali Waraabe oo dagaalkii ka dhacay Buqdharkayn ku tilmaamay mid cid gaar ah lagu dabargoynayo
 

Axad, November, 12, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa dagaalkii ka dhacay deegaanka Buqdharkayn ee gobolka Sool ku tilmaamay mid la doonayo in lagu dabar jaro reero gaar ah.

Faysal Cali Waraabe oo maanta warbaahinta Hargaysa kula hadlay, ayaa gubitaankii ay Ciidamada SSC Khaatumo u gaysteen tuulada Buqdharkayn ku tilmaamay mid ay soo abaabushay koox gaar ahi.

"Arrinta ka dhacday deegaankaasi waxay muujinaysa siyaasada iyo u jeedada ay leeyihiin cadawga inagu soo duulay, ee isbahaystay ee G21, waa dabargoynta reer Sheekh Isaxaaq" ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Kooxda uu ku sheegay G21 ayuu sheegay in ay iyagu ka danbeeyaan dhibaatada oo dhan isla markaana iyagu ay colaysiiyeen Soomaali meelkasta oo ay joogtaba, isaga oo sheegay in garaadadii shalay nabada ku baaqay anay waxba gacmaha ugu jirin.

"Shacabka Somaliland waxan leeyahay hala taageero ciidankeena, difaaca qaranka iyo xuduudeena, yaan loo dhaqmin siday u dhaqmeen, yaan guryaha la gubin, yaan maatida la dilin, yaan maxaabiista la dhibaatayn" ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Waxa uu sheegay in reer Laascaanood iyo reer Somaliland is dhaleen, oo ay yihiin dad walaalo ah, isla markaana iyaga oo uun loo kala tagi doono kama danbaysta, waxaana uu si gaar ah u eedeeyay Wasiirka Arrimaha Guddaha Soomaaliya, oo uu sheegay in uu lacag ku qaatay isku dirka dadka.

Waxa kale oo uu sheegay in kooxdii Farmaajo oo uu sheegay in ay dhibaatada hormood ka yihiin, ay sidookale isku hawlayaan in ay fashiliyaan halganka uu Madaxweyne Xasan Sheekh kula jiro kooxda Al Shabaab.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Somaliland ayuu ka codsaday in ay wada kulmaan, isaga oo sheegay in loo baahanyahay in Somaliland wadajir lagu difaaco.