7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 12, 2023
Maamulka SSC- Khaatumo oo digniin u jeediyay madaxweyne Deni iyo mucaaradkiisa
 

Axad, November, 12, 2023 (HOL) - Maamulka SSC- Khaatumo ayaa markii ugu horraysay ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee arrimaha doorashada ee ka taagan Puntland.

Madaxweynaha SSC- Khaatimo, Cabdiqaadir Axmed aw-Cali Firdhiye ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya doorashada inay xal ka gaaraan khilaafka siyaasadeed ee dhexdooda.

Madaxweyne Firdhiye wuxuu uga digay dhinacyada is haya in xaaladda la gaarsiiyo meel aan lagasoo celin karin, isagoo sheegay in indhaha lagu hayo waxa ka soconaya Garowe.

“Waxaan rajeynayaa in talo qabeenka halkaa jooga, ee talada wax ku leh, oo aanu kamid nahay, in laga buuxsan doono oo aan looga sii dari doonin,” ayuu yiri madaxweynaha  SSC- Khaatumo.

Hadalka madaxweynaha SSC- Khaatumo ayaa yimid, iyadoo laga cabsi qabo in khilaafka siyaasadeed ee  madaxweyne Deni iyo mucaaradka uu isku bedelo gacan ka hadal.

Mucaaradka ayaa madaxweyne Deni ku eedeeyay inuu ku mashquulsan yahay hub arursi iyo ciidan qorasho, halka mucaaradkana lagu eedeeyaynayo inay maleyshiyaad kusoo ururiyeen magaalada Garowe.

Wax yar labo bilood ayaa madaxweyne Deni uga harsan muddo xileedkiisa, hase ahaatee wuxuu ku adkaysanayaa in uu qaban doono doorasho qof iyo cod ah, taasoo halmar madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka lawada doorandoono.

Mucaaradka ayaa ku goodiyay haddii la gaaro kowda December inay iyagu ka shaqayn doonaan soo xulidda baarlamaanka 66-da xubnood.