7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 11, 2023
Sheekada dhabta ah ee ku saabsan bukaankii laga saaray kaadi-heysta ee loo sameeyay mid cusub

 
Sabti, November, 11, 2023

 
Haddii aad u baahato  xog dheeraad ah, fadlan booqo adiga oo nagala  soo xiriiri karaya https://acibademinternational.com/

Waaxda Urology ee isbitaalka ACIBADEM ayaa aqoon qoto dheer iyo waayo-aragnimo u leh daaweynta kansarka ku dhaca kaadi mareenka. Waaxdan, waxaa yaalla qalab tignoolajiyadeed oo horumarsan oo dhinaca caafimaadka ah. Kooxda waaxdan ayaa hormuud ka noqday isticmaalka farsamooyinka cusub ee ogaanshaha iyo daaweynta ugu yar ee xanuunnada ku dhaca qanjirka 'prostate', kelyaha, iyo kansarka kaadiheysta iyo cudurrada kale ee ku dhaca kaadimareenka.

Kaadi-haysta waa xubinta kaydisa kaadida. Kansarka ku dhaca kaadi-heysta wuxuu yimaadaa marka unugyada kaadi-heysta ay bilaabaan inay isbedelaan, una koraan si aan la xakameynin. Kansarka kaadi-heysta wuxuu ka mid yahay shanta nooc ee ugu caansan kansarka. Burooyinka kasoo baxa kaadi-heysta ayaa saddex jeer ku badan ragga marka loo eego dumarka. Waa kansarka afaraad ee ugu badan ragga marka laga soo tago kansarka ku dhaca qanjirka 'prostate', sambabada, iyo mindhicirka.

Kansarka ku dhaca kaadi-heysta waxaa laga yaabaa inuu yahay cudurka ugu dhibka badan ee ku dhaca kaadi mareenka maadaama uu u janjeero inuu degdeg ku faafo. Bukaanka waxaa u fiican in si dhaqsa leh u oggaado, haddii daaweynta kansarka kaadi-heysta ay daahdo waxay kordhisaa halista ah in kansarka ku faafo jirka oo dhan.

Halkan nagala soo xiriir si aad u hesho tallooyin caafimaad oo bilaasha ah:
https://acibademinternational.com/

Daawaynta Kansarka ku dhaca Kaadi-haysta

Daaweynta kansarka kaadi-heysta waxay ku xiran tahay heerka kansarka uu marayo. Haddii buradu ay ku lug leedahay lakabyada murqaha ee kaadi-heysta, daaweynta ugu fiican waa soo saarista guud ahaan kaadi-heysta. Tani, waxa loo yaqaan cystectomy radical. Soo bixinta kaadiheysta waa qeybta koowaad ee qaliinka. Kaddib marka la saaro kaadiheysta kansarka leh, waxaa lagama maarmaan ah in la helo hab kale oo lagu kaydiyo kaadida oo ay uga soo baxdo jirka.

Waxaa la sameyn karaa laba ikhtiyaar oo kala ah; Urostomy iyo Neobladder.

•    Ikhtiyaarka koowaad waxaa la yiraahdaa Urostomy: Kaadida ayaa lagu uruurinayaa bac gaar ah oo loo yaqaano (a stoma bag), taas oo lagu dhejinayo bannaanka caloosha. Dabiici ahaan, la noolaanshaha bacdaasi waxay isbedel weyn ku keentaa nolosha bukaanka sababtoo ah kaadimareenku wuxuu saamayn karaa bukaanka noloshiisa bulsho.

•    Ikhtiyaarka labaad waxaa la yiraahdaa Neobladder: Noocan ayaa ah in la dhiso kaadi-heys cusub iyadoo la adeegsanayo unugyo laga soo qaadayo mindhicirka bukaanka, taas oo meesha ka saaraysa baahida loo qabay bacda. Bukaannaduna waxaa ay u sahashaa in ay si caadi ah u kaadiyaan. Si kastaba ha ahaatee, waa qalliin adag, waxayna u baahan tahay xirfado iyo khibrad sare. 

Dib-u-dhiska kaadi-heysta waa in la abuuro kaadi-hays cusub iyadoo la isticmaalayo qayb ka mid ah mindhicirka yar. Kaadi-heysta cusub ayaa la gelinayaa halkii kaadiheystii asalka aheyd laga saaray, kaddibna waxaa lagu tolayaa kaadi-mareenka aagga sare ee neobladder-ka. Sidaa darteed, kaadida ayaa ka soo baxda kelyaha iyada oo sii mareysa kaadi mareenka oo galeysa neobladder-ka, bukaannaduna si caadi ah ayey u kaadinayaan.

Ka isbitaal ahaan, ikhtiyaarka koowaad ee ah dib-u-dhiska kaadi-heys cusub ayaa u sameyn karnaa bukaannada ay ku haboontahay in loo sameeyo. Guud ahaan adduunka, waxaa jira tiro xaddidan oo xarumo ah oo sameeya dib-u-dhiska kaadi-heysta cusub ee bukaannada qaba cudurka Kansarka. Natiijo ahaan, bukaanno badan ayaa soo booqda isbitaalka Acıbadem si ay u helaan daaweyntan.

Sheekadda Miroslav

Miroslav oo ah 49-jir u dhashay dalka Serbia oo ka sheekeynayay sheekadiisa ayaa yiri “Sadex bilood ka hor, waxaan bilaabay in aan xanuun ka dareemo xubinta taranka, maalmo ka dib, waxaan dhiig ku arkay kaadideyda. Waxay ahayd digniin cas oo weyn oo tilmaamaysa inay halis jirto. Waxaan booqday dhakhtarka kaadi mareenka ee magaalada Belgrade, kaasoo baarista ultrasound-ka ku sameeyay kaadiheysta, kaddibna arkay nabarro kor u qaaday shakiga kansarka kaadiheysta. Waxaa xigay oo la sameeyay baaritaanka nooca biopsy, taas oo runtii muujisay jiritaanka kansarka. Waan ka baqay oo aan ka welwelsanaa waxa igu dhici doona,” ayuu yidhi Miroslav.
Wuxuu la kulmay dhakhaatiir kala duwan oo joogta magaalooyinka Belgrade iyo Zagreb. Maalin maalmaha ka mid ah, ayuu si kadis ah barta Instagram-ka ugu arkay xayeysiinta ku saabsan Professor-ka  Urology, Mustafa Sofikerim, oo ka socda Cisbitaalka Acıbadem ee Turkiye, uuna imaan doono Cisbitaalka Acıbadem Bel Medic Clinic ee magaalada Belgrade.

Isla markiiba foomkii ayuu buuxiyay, wuxuuna qabsaday ballanta Professor Sofikerim si uu ula tashado. "Kadib markii aan la kulmay Professor Mustafa Sofikerim oo aan si qoto dheer uga wada hadalnay cudurkayga iyo daawayntayda, waxa aan go’aansaday in aan u safro cisbitaalka Acıbadem ee Istanbul si aan daweyn u helo," ayuu yidhi Miroslav.

Markaa, safarka daawaynta ee Miroslav wuxuu ka bilaabmay cisbitaalka Acıbadem. Waxa lagu sameeyay qaliin lagaga saaray buro iyo kaadi haysta. Ka dib marka la saaray kaadiheysta, qalliin dib-u-dhis ah ayaa raacay si loo abuuro kaadi-heys cusub, iyadoo la isticmaalayo qaybo ka mid ah xiidmaha yar.

"Miroslav wuxuu la yimid ogaanshaha kansarka unugyada squamous cell. Waxaan sameynay qalliin deg-deg oo cystectomy ah, oo ay xigtay dib-u-dhiska neobladder-ka. Hawsha oo dhami waxay qaadatay ilaa 6 saacadood. Qalliinku wuxuu ahaa mid aad loogu guulaystay, xilliga qalliinka kaddibna wuxuu ahaa mid aan kala go 'lahayn. Ma siin doono wax chemotherapy ah ama shucaac ah (radiotherapy), sababtoo ah nooca burooyinka, daaweynta ugu guulaha badan waa cystectomy, marka kaadiheysta laga saaro, wax looma baahna in la sameeyo," ayuu yiri Professor Mustafa Sofikerim.

Miroslav, ayaa cusbitaalka laga saaray 10 maalmood kaddib, isagoo caafimaad qaba oo aan jirkiisu laheyn wax raad ah oo la xiriiro cudurka kansarka. "Waan ku faraxsanahay in wax walba si fiican u dhaceen, waxaana dareemayaa farxad, sababtoo ah waan noolahay, waxaan dareemayaa xoog, waxaan dareemayaa wanaag, waan socon karaa, waan cuni karaa, wax walbana waa fiican yihiin. Mahadsanid, qof walba. Mahadsanid, Acıbadem. Waxaan u maleynayaa Tani waxay ii ahayd waqti noloshyda isbedelayso, sababtoo ah noloshaydu waxay u socon doontaa sidii qof aan kansar lahayn, "ayuu yidhi Miroslav.

Halkan nagala soo xiriir si aad u hesho tallooyin caafimaad oo bilaasha ah: https://acibademinternational.com/