7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 11, 2023
Wabiga Shabeelle oo ku fatahay Xaafado ka tirsan magaalada Baledweyne
 

Sabti, November, 11, 2023 (HOL) - Wabiga Shabeelle ee dhexmara xaafadaha magaalada Baledweyne ayaa bilaabay inuu karkaarada ku jabsado qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Baledweyne.

Qeybo ka mid ah xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako ayuu duhurnimadii maanta ku fatahay wabiga, gaar ahaan laamaha Raadeerka, Kutiimbo, dhagaxjibis iyo Shaah macaan.

Xaafadaha uu maanta ku fatahay wabiga Shabeelle ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa ka jiray barakac xoogan oo ay sameynayeen dadka ku nool xaafadahaas, kuwaas oo ka cabsi qabay fatahaada uu maanta ugu dambeyn sameeyay wabiga.

Waxaa sidoo kale cabsi aad xoogan laga qaba inuu wabiga saacadaha soo socda ku fataho qeybo ka mid ah xaafadaha Bundaweyn iyo Howlwadaag.

Fatahaada uu haatan bilaabay wabiga ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo inta badan dadkii daganaa xaafadaha Baledweyne maalmahii lasoo dhaafay ay si weyn uga barakaceen gurayahooda, kuwaas oo u barakacay intooda badan Xaafada Ceeljaalle ee dhacda duuleedka Baledweyne.