7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 11, 2023
Isimada Dhaqanka ee SSC Khaatumo oo nabad ku baaqay
 

Sabti, November, 11, 2023 (HOL) - Isimada Dhaqanka SSC Khaatumo, ayaa ku baaqay nabad, kadib markii dagaalo ay qaar kamid ah beelaha gobolka Sool wada daga dhexmareen dhawaan.

Isimada dhaqanka SSC Khaatumo ayaa nabad ku baaqay kadib markii shalay uun salaadiinta dhinaca kale ay ku baaqeen dagaal buuxa, iyada oo labada dhinac ay maalmahan isku hub urursanayeen.

"Suldaanku shalay wuu hadlay, Suldaan Siciid wuxuu yidhi dagaalka waan fasaxay, lakiin anagu nabad ayaanu leenahay, mar hore iyo mardanbaba, maamul ahaan iyo dhaqan ahaanba waxaanu rabna in aanu dariska nabad kula noolaano" ayay yidhaahdeen.

Waxa ay sheegeen in ay raaligalin ka bixinayaan qaladkasta oo iyaga dhankooda ka dhacay, iyaga oo sheegay in askar ka tirsan ciidamada Somaliland oo deegaanka dad ku laayay ay sababeen dhibaatada dhacday markii danbe.

Waxa ay sheegeen in anay marnaba xad gudbi doonin isla markaana ay dadkooda ku wacigalinayaan in ay is xakameeyaan oo anay samaynin wax xad gudub ah.

Waxa ay sheegeen in dadka Somaliland anay nabad ku baaqi karin, oo qofkii nabad ku baaqa loo arko qof Somaliland wax yeelaya.

Dagaalada oo dhawaan ka dhacay deegaanada Yayle iyo Buqdharkayn ee gobolka Sool, ayaa u dhexeeyay beelo halkaa wada daga, iyada oo sidookale ciidamada SSC Khaatumo iyo kuwa Somaliland na uu isku dhac dhexmaray.