7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 11, 2023
Garowe: Mucaaradka Deni oo ku baaqay in xal nabadeed laga gaaro hubanti siyaasadeed ee Puntland

Sabti, November, 11, 2023 (HOL) - Midowga Musharixiinta mucaaradka Puntland ayaa shir ay ku yeesheen magaaalada Garoowe, waxay ku baaqeen in xal nabadeed lagu dhameeyo hubanti la’aanta siyaasadeed ee ka jirta Puntland xilligan kala guurka ah.

Midowga Musharixiinta oo warbaahinta kula hadlay Garowe, waxay ku boorriyeen saaxiibada caalamka inay sii wadaan dadaallada lagu taageerayo xasilloonida siyaasadeed, iyo in la taageero doorasho ku saleysan is-afgarad.

Musharaxiinta mucaaradka waxay sidoo kale iska fogeeyeen shaqaaqadii dhawaan ka dhacday barxadda Garowe, taasoo sababtay geerida haweeney iyo dhaawaca dhowr qof oo kale.

Waxay ku eedeeyeen madaxweyne Deni inuu ka dambeeyo falkaan, uuna doonayo inuu abuuro qalqal amni oo bulshada la isaga horkeenayo.

Waxay nasiib darro ku tilmaameen in guddiga nabad galyada gobolka Nugaal ay ka been abuureen dhacdadii ka dhacday Garowe. Waxayna sheegeen in ay gudbiyeen farriin uu usoo dhiibay madaxweyne Deni.