7/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 11, 2023
Dowladda Fedaraalka oo shaacisay in 40 kun oo ciidan ah u diyaarneyso la wareegista amniga dalka

Sabti, November, 11, 2023 (HOL) - Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay shir Muqdisho ugu soo gabagaboobay Saraakiisha Booliiska Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Shirkaan oo Muqdisho sadaxdii maalmood ee lasoo dhaafay uga socday hogaanka sare ee talisyada ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo kuwa dowlad goboleeydada ayaa ahaa mid looga hadlay amniga guud ee dalka, islamarkaana lagu qeybsanaayay tirada ciidankii ATMIS kala wareegi lahaa amaanka.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay diyaarneyso ciidamo Booliis ah oo gaaraya 40 kun oo amaanka kala wareegi doono ciidanka ATMIS,marka ay dalka isaga baxaan sanadaka soo socda bisha Decembar 2024-ka.

"Dowladda waxay ku howlan tahay diyaarinta ciidan Booliis ah oo gaaraya 40 kun oo askari oo loo qeybiyay si dhex dhexaad ah 20 kun waxay ka imaanayaan dowladda dhexe, halka 20 kuna loo qeybiyay maamul goboleedyada dalka, kuwaas oo ATMIS kala wareegi doono amaanka dalka" ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Sadiiq Doodishe.

Diyaarinta ciidamadaan ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo dowladda Federaalka iyo dadka deegaanka sanadkii labaad oo xiriir ah dagaal dalka looga xureynayo kula jiraan kooxda Al-shabaab, waxaana xusid mudan in dagaaladaasi kooxda looga saaray deegaano iyo degmooyin badan oo ku yaala bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.