7/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 11, 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh oo markii ugu horraysay ka hadlay mowqifkiisa xaaladda Gaza
 

Sabti, November, 11, 2023 (HOL) - Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa ku raacay Ra’iisul wasaare Xamse mowqifka Soomaaliya ee xaaladda Qasa, isagoo khudbad ka jeedinayay madaxweynaha shir madaxeedka Afrika iyo Carabta oo shalay ka furmay magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan xuso walaaca ay Dawladda Soomaaliya ka qabto xaaladda ka taagan Qasa waxaan ku baaqeyna xabbad joojin deg deg ah iyo gaarsiinta gargaar bini’aadanimo sida loo caawiyo dadka aadka u nugul,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikj.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay in laga shaqeeyo sidii xal labo Dawladood ah loo gaari lahaa sida ugu dhaqsaha badan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa dhawaan sheegay in kooxda Xamaas aysan ahayn urur Argagixiso, balse ay tahay koox mujaahidiin ah oo u taagan xoreynta iyo ilaalinta dhulka Falastiin.

Ra’iisul Wasaare ayaa ku nuux-nuux saday in xal kaliya ee lagu qanci karo uu yahay in la helo laba dowladood, isagoo yiri “Ma tanaasuli doono ilaa aan ka aragno dowlad Falastiin ah oo caasimad u ah magaalada Quddus.