7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 10, 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka qeyb galay shirka iskaashiga Sacuudiga iyo Afrika
 

Jimco, November, 10, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Madasha Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika, ayaa ka warbixiyay fursadaha iskaashiga Soomaaliya ee ku aaddan wax la qeybsiga adduunka.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay Soomaaliya inay diyaar u tahay, sidii ay ula fal-gali lahayd gobolka iyo qaaradda iyadoo ay barbar socdaan dib u dhiska dalka, xoreynta deegaannada iyo xoojinta dowladnimada.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Soomaaliya ay haysato mustaqbal fiican.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey garab-istaagga iyo iskaashiga ka dhaxeeya Boqortooyada Sucuudiga iyo Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in siyaasadda  Dowladiisa ay aasaas u tahay wada-tashi iyo wax wada-qabsi, uuna rajeynayo in mira-dhalka shirkan uu noqdo kobcinta xiriirka labada dal.

“Laga billaabo hadda, waxaan rumeysannahay in aan hormuud u noqon karno caalamka dhanka beeraha, kheyraadka xoolaha, tan kheyraadka cagaaran, isgaarsiinta, fududeynta ganacsiga, kheyraadka badda iyo halabuurka tig-noolajiyadda.” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaha wuxuu ka mahad celiyey soo dhaweynta Boqorka iyo Dhaxal-sugaha Sucuudigu oo kula dardaarmay Madaxda ka soo qeyb-gashay madashan in ay la fil noqdaan caqabadaha ku xeeran qaaradda, miisaanna u yeelaan Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika.