7/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 10, 2023
Qaramada Midoobay oo hakisay ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya
 

Jimco, November, 10, 2023 (HOL) - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay hakiyeen muddo saddex bilood ah bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Go’aankan ayaa daba socda codsi ka yimid Soomaaliya oo ku aadan in ciidamada ATMIS ay sii joogaan dalka si ay gacan uga geystaan dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

Codsiga Soomaaliya waxaa taageeray Midowga Afrika, iyo dhammaan dalalka ku deeqa ciidamada xoogga dalka, waxayna isku raaceen in muddo 90 maalmood ah dib loo dhigo ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika.

Qaramada Midoobay ayaa wada hadalo kula jirta Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) si loo xaqiijiyo in isbedel amni lagu guuleysto.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika Martha Pobee, oo booqatay Soomaaliya, ayaa sheegtay in hay’adaha caalamiga ah ay xaqiijin doonaan in ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ay awood u yeeshaan inay si buuxda ula wareegaan mas'uuliyadda amniga.

Waxay sheegtay in ciidamada ATMIS ay si tartiib tartiib ah uga baxayaan Soomaaliya iyagoo aan khatar la gelinayn guulaha laga gaaray dhanka ammaanka Soomaaliya.