7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 10, 2023
Maamulka SSC- Khaatumo oo soo bandhigay 10 maxbuus oo katirsan ciidamada Somaliland
 

Jimco, November, 10, 2023 (HOL) - Maamulka SSC- Khaatumo ayaa soo bandhigay ugu yaraan 10 maxaabiis ah oo katirsan ciidamada Soomaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaallo shalay ka dhacay degaanka Buq-dharkayn.

Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka SSC- Khaatumo ayaa lagu sheegay in maxaabiistani ay ku jiraan saraakiil sare sare, iyo sidoo kale gaadiid dagaal iyo hub.

Wareysiyo laga qaaday maxaabiista waxay ku sheegeen, in si wanaagsan loola dhaqmay markii lasoo qabtay. Qaar kamid ah oo dhaawacyo qaba ayuu maamulka SSC- Khaatumo u sameeyay daryeel.  

SSC- Khaatumo waxay sheegeen, in madaxweynaha Somaliland uu ku guulaystay inuu colaad ka abaabulo gobolka Sool, iyagoo sheegay in ciidankiisa ay duulaan kusoo qaadeen dad reer guuraa ah ayna dileen dhowr qof oo shacab ah.

Maamulku wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu shacabkiisa ka difaaco waxay ugu yeereen duullaan qaawan oo lagasoo abaabulay magaalada Hargeysa.

Waxay tilmaameen in madaxweyne Muuse Biixi uu maalin walba ciidamo kusoo daabulayo Oog, si uu colaad joogto ah uga sameeyo dhulka SSC-Khaatumo.

Dhinaca kale, saakay oo jimco ah, degaano u dhaxeeya Yeyle iyo Oog waxaa lagasoo sheegayaa inuu ka socdo dagaal u dhaxeeya labada dhinac.  Ma jirto wax faahfaahin ah oo weli kasoo baxay dagaalkaas.