7/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 10, 2023
Qaramada Midoobay oo sii deysay 25 milyan oo doolar si wax looga qabto fatahaadaha Soomaaliya

Jimco, November, 10, 2023 (HOL) - Hay’adaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay sii daayeen 25 milyan oo dollarka Maraykanka ah si ay ugu bilaabaan samata bixinta daadadka Soomaaliya ka dhacay oo saameeyay 1.2 milyan oo qof.

Qaramada Midoobay iyo la-hawlgalayaasheeda ayaa ku qiyaasay in 1.6 milyan oo qof ay saameyn karaan fatahaadaha xilli-roobaadka ee hadda socda laga bilaabo Oktoobar ilaa Disembar, iyadoo 1.5 milyan oo hektar oo dhul beereed ah ay suurtagal tahay in daadadku baabi'iyaan, ayuu yiri xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini'aadantinimada (OCHA).

Lacagaha cusub ee la sii daayay – 10 milyan oo dollar oo laga helay Sanduuqa Gurmadka degdegga ah ee Qaramada Midoobay (CERF) iyo 15 milyan oo doollar oo laga helay Sanduuqa Gargaarka Bani’aadamnimada ee Soomaaliya – ayaa lagu taageeri doonaa dadaallada looga hortagayo khasaaraha nafeed, joojinta cudurrada dillaaci kara iyo wax ka qabashada cunto yarida.

Sanduuqa CERF waxa uu ka caawin doonaa hay’adaha Qaramada Midoobay iyo la-hawlgalayaasheeda in ay caawiyaan in ka badan 280,000 oo qof inta lagu jiro marxaladda hore ee dhibaatada, halka 15 milyan oo doollar ee Sanduuqa Bani’aadamnimada ee Soomaaliya ay ku taageeri doonto in ka badan 420,000 oo qof.

Soomaaliya oo ka soo baxaysa abaaro taariikhi ah, ayaa ka mid noqotay waddamo badan oo wajahaya khatarta fatahaada, abaarta, iyo kulaylka ba'an ee ka dhashay duufaanta El Nino.