7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 10, 2023
Soomaaliya oo bishaan gudaheeda ku biiri karta dallada bulshada Bariga Afrika ee EAC
 

Jimco, November, 10, 2023 (HOL) - Xoghayaha Guud ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) Peter Mathuki ayaa sheegay in Soomaaliya ay bishan gudaheeda ku biiri karto dallada EAC.

Shir madaxeedka caadiga ah ee madaxda dowladaha gobolka ee xubnaha ka ah EAC, ayaa 23-ka ilaa 24-ka bishan November ka dhici doona magaalada Caruusha.

Waxaa la filayaa in madaxweynayaasha ay taageeraan ku biiritaanka Soomaaliya ee dallada Bulshada Bariga Afrika.

“Bulshada Bariga Afrika waa suuq ay ku nool yihiin dad gaaraya 300 oo milyan. Bisha Nofeembar, waxay u badan tahay in aan Soomaaliya ku biirino dallada,” ayuu yiri Peter Mathuki.

Dr Mathuki ayaa sheegay in EAC ay tahay mid dadka udub dhexaad u ah wuxuuna carrabka ku adkeeyay doorka ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo isdhexgalka gobolka.

Waxa uu sheegay in ganacsiga EAC uu laba laab kor u kacay tobankii sano ee la soo dhaafay.