7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 10, 2023
Cabdirisaaq Khaliif oo Madaxweyne Biixi ku eedeeyay in uu dab ka dhex shidayo beelo walaalo ah

Jimco, November, 10, 2023 (HOL) - Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa dagaaladii shalay iyo daraad ka dhacay gobolka Sool ku eedeeyay Madaxweynaha Somaliland.

Khaliif waxa uu sheegay in uu ka xunyahay dagaalka dib uga soo cusboonaaday gobolka, waxa aanu sheegay in aanu ahayn mid u danaynanaya dadka deegaanka ee wadadaga.

"Runtii arrintaa iyada ahi waa arrin aad iyo aad looga xumaado, waanan ka xumahay dagaalada soo cusboonaaday, mana aha mid u danaynaya dadka deegaanka, runtii cidkasta oo lug ku lihi waxay gacan ku siinaysa gabood faladii uu Muuse Biixi iyo maamulkiisu deegaanka gaysanayay" ayuu yidhi Khaliif.

Waxa uu sheegay in 4 ilaa 5 nin oo ka tagay Oog ay masuul ka ahaayeen dagaalka, taasi oo la xalin karayay lakiin sida looga jawaabay inay si qurux badan ahayn, sidaa darteedna ay noqoto qaab uu raadinayay Muuse Biixi sida uu hadalka u dhigay.

"Waxaan jecelahay in aan halkan baaq nabadeed uga diro dadka deegaanka ku wada nool oo aan usoo jeediyo in aanay dadka deegaanka dani ugu jirin, dagaal beeleed ka qarxa deegaanka ay daganyihiin" ayuu yidhi Khaliif.

Dagaalo dhinacyada uu khasaare kasoo gaadhay ayaa shalay iyo daraad deegaanada Yayle iyo Buqdharkayn ku dhexmaray Ciidamada SSC Khaatumo, ciidamo beeleedyo iyo ciidamada Somaliland.

Dagaalkan ayaa la sheegay in lagu kala qabsaday maxaabiis iyo gadiid, iyada oo SSC Khaatumo dhankeeda ay soo bandhigtay maxaabiis ay qabatay.