7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 1 , 2023
Isimada Puntland oo bayaan adag kasoo saaray muranka ka taagan doorashada Puntland

Arbaco, November, 1, 2023 (HOL) - 28 madax dhaqameed oo katirsan Isimada  Puntland, kuwaas oo maalmahan uu shir uga socday magaalada Garowe, ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen in doorashada aysan dib uga dhicin karin waqtigeedii 8 January 2024.

Isimadu waxay waxay sheegeen in baarlamaanka Puntland lagusoo xulo sidii horey loogusoo xuli jiray ee hab-beeleedka, iyagoo tilmaamay waqtiga u harsan madaxweyne Deni in aan lagu qaban karin doorasho qof iyo cod ah.

Isimadu waxay kaloo madaxweynaha Puntland ugu baaqeen inuu si degdeg ah usoo saaro lifaaqii doorashada, uuna magacaabo guddiga ansixinta baarlamaanka iyo xalinta khilaafaadka.

Bayaan kasoo baxay Isimada Puntland ayaa kusoo aaday, iyadoo lagu golaha wasiirradu lagu wado in ay berito meel mariyaan jadwalka cusub ee doorashooyinka Puntland, ee uu dhawaan soo saaray guddiga doorashooyinka Puntland.

Lama oga in ay madaxweyne Deni uu ku qanci doono bayaanka ay soo saareen Isimada. Walow uu jiro khilaaf ka dhex taagan isaga iyo Boqor Burhaan Boqor Muuse oo shir guddoominayay shirkan isimadu ku yeesheen Garowe.