7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 1 , 2023
Dowladda Soomaaliya iyo IMF oo gaaray heshiis cusub oo ku saabsan taageerada iyo dib-u-habeynta Maaliyadda

Arbaco, November, 1, 2023 (HOL) - Hay'adda lacagta adduunka ee IMF iyo Dowladda federalka Soomaaliya, ayaa  is afgarad ka gaaray barnaamij cusub oo lagu sii xoojinayo hannaanka Maaliyadda iyo dib u dhiska dhaqaalaha oo dayn cafiska ka dib la hirgalin doono.

Warbixin dheer oo kasoo baxday IMF, ayaa lagu ammaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay joogteysay dhaqan-gelinta dib-u-habaynta Maaliyadda, si ay gacan uga geysato xoojinta hay’adaha Maaliyadda iyo siyaasadaha dhaqaalaha ee muhiimka ah, taas oo waddada u xaaraysa in Soomaaliya ay gaarto barta kama dambeysta ah ee qorshaha Deyn Cafinta oo la filayo go’aankiisa kama dambeysta ah bisha December 2023-ka.

Iyada oo laga amba-qaadayo horumarkaas, Dowladda Soomaaliya iyo IMF waxa ay gaareen heshiis ku saabsan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo siyaasadda Dhaqaalaha Soomaaliya, kaas oosocon doona muddo 36 bilood ah, sida war- saxaafadeedka lagu sheegay.

IMF waxa ay sheegtay barnaamijka cusub oo lagu magacaabo ECF, in ujeedadiisu uu yahay in lagu hago siyaasadaha kama dambeysta ah ee kadib barnaamijka Deyn Cafinta, si loo sii xoojiyo hey'adaha Maaliyadda, horumarinta ganacsiyada yar yar iyo kobaca dhaqaalaha guud.

Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo qoraal kooban ka soo saaray Warbixinta IMF, ayaa sheegay in heshiiskaan uu sahlayo sii wadidda howlaha dib-u-haneynta maaliyadda kadib marka uu soo gaba gaboobo Barnaamijka dayn cafinta.