7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 1 , 2023
Xukuumada Somaliland oo sheegtay in masuuliyiin dowlada federaalka ka tirsani ay dagaal kula jiraan

Arbaco, November, 1, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaarada Biyaha Somaliland Cali Mareexan, ayaa masuuliyiin dowlada Soomaaliya ka tirsan ku eedeeyay in ay dagaal kula jiraan Somaliland.

Waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay dagaal kula jirto Somaliland, isla markaana wakiilka dowlada federaalka u fadhiya Qaramada Midoobay in uu warbixino dhan ka raran oo ku saabsan dagaalka Laascaanood, uu geeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

"Marka uu qaraarada ka hadlayo waxa aad moodaa in uu ka hadlayo wax ka dhexeeyay Waqooyiga Kuuriya iyo Soomaali, Laascaanood ayaa lagu soo duulay ayuu odhanaya isaga oo Soomaali sheeganaya"Ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexan.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Guddaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayuu sheegay in uu dagaal toos ah Somaliland kula jiray intii uu dagaalka Laascaanood bilaabmay, waxa uu sheegay in wasiirku Somaliland warar been ah ka faafinayo isla markaana uu Israa'iil barbar dhigay.

Waxa uu sheegay in Somaliland oo Laascaanood si nabada u joogta dagaal lagu soo qaaday, isla markaana uu madaxweyne Xasan Sheekh qaadayo masuuliyada "May ahayn ciidankii soo duulay ee ciidankii meesha maamulayay ayaa dagaal lagu soo qaaday".