7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 1 , 2023
Amar culus oo la duldhigay maleeshiyo beeleed ku dagaalamay Shabeellaha Dhexe

Arbaco, November, 1, 2023 (HOL) - Ciidamo Booliis iyo Nabadsugid isugu jira ayaa dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay maanta kala dhex dhigtay maleeshiyo beeleed ku dagaalamayay maalmahii lasoo dhaafay deegaano hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada ayaa hub ka dhigis ku sameeyay labada Maleeshiyo beeleed ee walaalaha ah, islamarkaana ku amaray dadka deegaankaas inaan la arki karin qof hub wata.

Taliyaha Daraawiishta Booliiska Sareeye guuto  Cabdullaahi Mirre ayaa sheegay inaan la aqbali doonin in hub lagu dhex qaado deegaanada colaada ka jirto, islamarkaana cidii u hogaansami wayda amarka ciidanka in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Amarka kasoo baxay hogaanka ciidanka la kala dhexdhigay labada maleeshiyo beeleed ayaa la duldhigay dadka ku nool deegaanada lagu dagaalamay ee kala ah Ceel muluq, Xaaji Cali, Laba garas, Cadow uul, Dayfo iyo Burto-Shiikh.

Gabagabadii Taliye Cabdullaahi Mire ayaa u sheegay dadka deegaanadaas in cidii ku xadgudubta xabad joojinta iyo dadaalada nabadeed ay ciidamada amaanka amar ku qabaan iney ka qaadaa talaabo adag oo sharciga waafaqsan.