7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 1 , 2023
Taliyaha ciidanka ATMIS oo ka hadlay wararka sheegaya iney ka howlgalayaan Laascaanood
 

Arbaco, November, 1, 2023 (HOL) - Taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka Soomaaliya ATMIS Jenaraal Sam Okiding ayaa sheegay in ciidanka ATMIS aysan ka howlgaleen magaalada Laascaanood.

Jenaraal Sam Okiding ayaa sheegay in shaqada iyo howlgalka ATMIS ay tahay mid ku kooban la dagaalanka kooxda Al-shabaab, islamarkaana xaalada ka taagan deegaanada SSC Khaatumo aysan wax shaqo ah ku laheyn Al-shabaab.

"Anaga howsheena waa ladagaalanka Shabaab deegaanada Khaatumo, waxa isku haya dadka deegaanka iyo Soomaaliland, marka arimaha qabilka wax shaqo ah kuma lihin, mana nihin dab damis oo nalooma adeegsanayo arinta Laascaanood" ayuu yiri Taliyaha ciidanka ATMIS Jenaraal Sam Okiding.

Hadalkaan kasoo yeeray Taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka Soomaaliya ATMIS Jenaraal Sam Okiding ayaa kusoo aadaya, iyadoo warar soo baxayay mudooyinki dambe ay sheegayeen in ciidamo ka tirsan ATMIS in la geynayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay u joogaan ciribtirka Al-shabaab, islamarkaana howlgalkooda uu yahay in meel walba oo ay shabaab kaga sugan yihiin Soomaaliya kula dagaalamaan.

"Al-shabaab ma ahan cadawga Soomaaliya oo kaliya ee waa cadawga Afrika, ma doonayaan iney Soomaaliya kaliya ku  ekaadaan oo waxay doonayaan iney galaan Kenya, Uganda iyo dhamaan Afrika" ayuu yiri Jenaraal Sam Okiding.