7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 1 , 2023
Golaha ammaanka Qaramada Midoobay oo kordhiyay muddada joogitaanka xafiiska UNSOM

Arbaco, November, 1, 2023 (HOL) - Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa u kordhiyey ilaa 31ka Oktoobar 2024 muddada joogitaanka hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Qaraar tirsigiisu yahay 2705 oo ay si wada jir ah u ansixiyeen 15-ka xubnood ee golaha ammaanka, ayaa ka codsanaya xafiiska UNSOM inuu sii wado joogteynta iyo xoojinta joogitaankiisa Soomaaliya, iyo wadashaqeynta Midowga Afrika.

UNSOM waxaa lagu dhiirigeliyay in ay isku duba riddo dadaallada Qaramada Midoobay iyo taageeridda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, ee dardargelinta hirgelinta Istaraatiijiyadda xasilinta Qaranka iyo dhisidda nabadda.

UNSOM ayaa la aas aasay June 2013, si uu u taageero dhismaha dowladnimada iyo nabadeynta Soomaaliya.

Dhawaan, xafiiska UNSOM ayaa xaqiijiyay bixitaanka ATMIS in uusan saamayn ku yeelan doonin joogitaankooda Soomaaliya.

Dhinaca kale, Golaha ammaanka ayaa sidoo kale si adag u cambaareeyay is-hortaagga gargaarka bini'aadantinimo, iyo beegsiga shaqaalaha caafimaadka.

Golaha ammaanka ayaa dhawaan loo gudbiyay warbixin ku saabsanayd shakhsiyaad ku lug leh rabshadaha  Laascaanood oo ay ku jiraan beegsiga dadka rayidka ah, xarumaha caafimaadka, iyo shaqaalaha ka shaqeeya caafimaadka.