7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 1 , 2023
Somaliland oo dil qisaas ah ku fulisay rag hore dilal u gaystay
 

Arbaco, November, 1, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay 5 nin oo hore loogu helay in ay gaysteen dilal.

Dilkan oo saaka subixii hore la fuliyay ayaa ka dhacay deegaanka Madheera oo caan ku ah qisaasta isla markaana ay xukuumadu u adeegsato in ay ku fuliso qisaasta dadka lagu helo falalka dilalka ah.

Madaxweynaha Somaliland ayaa la sheegay in uu dhawaan sexeeyay in la fuliyo qisaasta dadka saaka dilka lagu fuliyay, oo kala ah Ayaanle Axmed Ismaaciil oo 23 jir ah, Cabdirashiid Maxamed Askar oo 32 jir ah, Libaan Khadar Aadan 25 jir ah, Xamse Cali Ismaaciil oo 26 ah, iyo Xuseen Carab Ciise oo 60 jir ah.

Markasta oo ay Somaliland fuliso xukuno dil ah, beesha caalamka ayaa ka qaylisa, iyaga oo si wada jir ah waddamada reer galbeedku ay u cambaareeyaan.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeed ay xukuumadu ku faah faahisay qisaasta:-