7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 1 , 2023
Wararkii ugu dambeeyay dilal dad shacab ah loogu kala geystay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Matabaan
 

Arbaco, November, 1, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal la xariira aanooyin qabiil oo Xalay ka kala dhacay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Matabaan oo kala kala tirsan gobolada Galgaduud iyo Hiiraan.

Dilalka koowaad ayaa ka dhacay gudaha magaalada Dhuusamareeb waxaana loo geystay laba ka mid aheyd ganacsatada waa weyn ee magaaladaas oo lagu kala magacaabi jiray Saciid Tahliil Maxamed iyo Sheekh Xasan Diirshe Cadde.

Dableyda fulisay dilalka labada ganacsade ayaa si deg deg ah goobta uga baxsatay, waxaana mudo kadib goobta dilalka ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo baaritaano sameeyay, hayeeshe uma suurtagalin iney soo qabtaan dableyda dilka geystay.

Waxaa sidoo kale isla Xalay dabley hubeysan ay magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan ku dileen laba nin oo magacyadooda lagu kala sheegay Galad Cabdi Qawle iyo Faarax Cali Towle oo horay u soo noqday guddoomiyaha dhalinyarada degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Dableyda dilalkaan geystay ayaa sidoo kale isaga baxsatay goobta, waxaana maamulka degmada ay sheegeen iney ku raad joogaan soo qabashada maleeshiyaadka dilalka xalay ka geystay gudaha degmada Matabaan.

Gabagabadii wararkii ugu dambeeyay ee saakay naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya inuu halkaas ka socdo  bannaanbax looga soo horjeedo dilkii xalay ka dhacay Dhuusamareeb, waxaana saakay inta badan xiran goobaha Ganacsiga magalaadaas.