4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 31, 2023
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Cambaareeyay weerarkii Al-shabaab ee Saldhiga Buula mareer

Arbaco, May 31, 2023 (HOL) - Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii dhawaan kooxda Al-shabaab ku qaadeen Saldhiga degmada Buula mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ku leeyihiin ciidanka ATMIS, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Uganda.

Antonio Guterres ayaa ugu horeyn tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay weerarka, isagoona Caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadka ku dhaawacmay weerarkaas.

"Xoghayaha Guud wuxuu si kulul u cambaareynayaa weerarkii dhowaan lagu qaaday fariisinta Howlgalka Kalaguurka ah Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), ee ay ka howlgalaan ciidanka nabad ilaalinta ka soo jeeda Yugaandha, ee ku yaalla magaalada Buulo Mareer, gobolka Shabeellaha Hoose, Soomaaliya" ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray Afhayeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Xoghayaha Guud ayaa dhamaan ciidanka ATMIS ee Midowga afrika ku bogaadiyay, waxqabadkooda ay ku taageerayaan nabadda iyo xasilloonida dalka Soomaaliya.

Gabagabadi Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ugu baaqay beesha Caalamka in ciidanka ATMIS ay ku garab istagaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Hadalka Antonio Guterres ayaa imaanaya  iyadoo Jimcihii lasoo dhaafay kooxda Al-shabaab weerar culus ay ku qaaday Saldhiga ciidanka ATMIS ee magaalada Buula mareer, kaasoo ay Al-shabaab sheegtay iney ku dishay 200 oo askari.