4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 31, 2023
Somaliland oo sheegtay in ay fashilisay weerar argagixiso oo koox argagixiso ahi rabtay in ay ka fuliso gobolka Sool

Arbaco, May, 31, 2023 (HOL) - Somaliland ayaa sheegtay in ay dhinteen 2 kamid ah 6 nin oo doonayay in ay deegaano ka tirsan gobolka Sool ka fuliyaan weeraro argagixiso, kadib markii ay ku qarxeen qarxiyayaal ay rabeen in ay weerarka ku fuliyaan, halka 4 tii kale baxsadeen.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay beesha caalamka u sheegayso in ciidankeedu ay fashiliyeen dhagarta koox argagixiso ah 3:00 habeenimo ee xalay.

"Sida ay sheegayso xogtii ugu danbaysay ee aanu helnay 6 qof oo ka tirsan koox argagixiso, kuwaasi oo maaganaa weerar ismiidaamin ah ayay walxihii ay siteen ku qarxeen tuulada Sii-xawle, tuuladini waxay ku taala tuulooyinka Yagoori iyo Samakaab dhexdooda ee gobolka Sool, waxayna waxyar u jirtaa Laascaanood".

Warsaxaafadeeda ayaa intaa ku dartay in 2 kamid ah ragii weerarka soo maleegay ay halka ku nafwaayeen, halka 4 tii kalena ay u suuragashay in ay baxsadaan, waxayna intaa ku dartay in dhacdadani ay caddayn u tahay in koox argagixiso ahi ay maleegayso qorshe ka dhan ah nabada Somaliland.

Waxa qoraalka lagu xusay in ciidamada Somaliland ay yihiin qaar foojigan oo si dhow ula socda dhaq dhaqaaqyada argagixisada, isla markaana ay ka go'antahay ilaalinta nada Somaliland.

Ciidanka millateriga ee ku sugan deegaanka ay dhacdadani ka dhacday ayaa soo bandhigay walxo ay sheegeen in ay siteen kooxda ay xukuumadu sheegtay in ay maleegayeen weerarka argagixiso.