4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 31, 2023
Puntland oo hor istaagtay inuu Garowe ka duulo ergayga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha dhaqaalaha

Arbaco, May 31, 2023 (HOL) - Laamaha amamanka ee maamulka Puntland ayaa maanta u diiday inuu garoonka diyaaradaha ee Garowe ka duulo ergayga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Ergayga ayaa kusii jeeday magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta garoonka diyaaradaha Garowe, ayaa lagu wargaliyay in uusan garoonka ka dhoofi karin Khadar Cabdiraxmaan Faroole oo kamid ahaa afar xubnood oo dhawaan loosoo jaray waaran lagusoo xirayo, inkastoo markii dambe laga noqday waarankooda.

Lama garanayo ujeeddada loo haysto ergayga, hase ahaatee, warar aan ka helnay ilo xog ogaal ahi waxay waxay sheegayaan in loo haysto shaqaaqadii ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Garowe.

Kaddib markii ciidamo katirsan Puntand iyo maleyshiyaad kasoo horjeeda doorashada ay isku rasaaseeyeen agagaarka garoonka, halkaas oo ay ku dhinteen labo askari oo katirsan ciidanka amniga.

Xarrigiisa ayaa lagu eedeynayaa inuu salka ku hayo amar kasoo baxay madaxtooyada Puntland. Madaxtooyada ayaa aaminsan in Khadar Faroole uu katirsan yahay shakshiyaadka gadaal ka hagaya qalqal galinta doorashada golaha degaanka Garowe.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdifarax Siciid Juxa ayaa dhawaan ku eedeeyay inuu madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud wakiil uga yahay, sidii loo carqaladayn lahaa doorashada qof iyo cod ee Puntland.