4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 31, 2023
Garowe: Ciidamo ka gadoodsan mushaar la'aan oo xirtay wadadda madaxtooyada iyo wasaaradaha

Arbaco, May 31, 2023 (HOL) - Ciidamo ka gadoodsan mushaar la'aan ayaa saakay xirtay waddada gasha madaxtooyada iyo wasaaradaha maamulka Puntland.

Ciidamadan ayaa dadka iyo gaadiidka u diidaya inay ka gudbaan waddadan. Waxayna waddada ku jareen tekniko dagaal iyo dhagaxaan.

Waddada ay ciidankan goosteen ayaa ah wadddo aad muhiim ah oo ay subax walba u shaqo tagaan shaqaalaha ka shaqeeya wasaaradaha, madaxtooyada Puntland, xarumo ganacsi iyo hay'adaha oo xarumahooodu halkaas kuyaalliin.

Ciidamadan gadoodka sameeyay ayaa la sheegay inay katirsan yihiin ciidamada madaxtooyada Puntland, waxayna ka cabanayaan mushaar la'aa dhowr bilood ah, sida aan kasoo xiganay qaar kamid ah saraakiishooda.

Waa markii labaad oo maalmo gudaheed ciidamo Puntland ay sameeyaan gadood ay kaga cabanayaan mushaar la'aan. Maalmo ka hor ayay ahayd markii ciidamo ku sugan buuraha Golis ay kasoo baxeen fariisinkooda, iyadoo xiray laamiga Bosaso. Waxay ka cabanayeen mushaar la'aan.

Puntland ayaa caan ku ah marka la gaaro sanadka ugu dambeeya muddo xileedka madaxweynaha in ay dhacdo mushaar la'aanta ciidanka iyo shaqaalaha, iyadoo loo sababeeyo in madaxdu ku mashquulaan arrimaha doorashada.