4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 30, 2023
Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland oo bilaabay kaadhka codbixinta

Talaado, May, 30, 2023 (HOL) - Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in kaadh qaybinta dadkii ka qaybqaatay diwaangalinta doorashadu uu bilaabmi doono 31 bishan May.

Koomiishanka Doorashooyinka ayaa munaasibad lagu qabtay magaalada Hargaysa ku shaaciyay bilowga qaybinta kaadhka codbixinta, iyado shaqaalihii iyo gaadiidkii qaybinayay kaadhadhka loo kala diray gobolada.

"Koomiishanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ku wargalinayaa dhamaan dadkii ka qaybqaatay diwaangalinta codbixiyayaasha 2022/2023 in kaadh qaybinta codbixiyayaashu ay si rasmi ah dalka uga bilaabmi doonto 31, May, 2023, waxayna socon doontaa 10 maalmood" Fariin kasoo baxday koomiishanka ayaa sida lagu yidhi.

Inkasta oo ay bilaabantay qaybinta kaadhka codbixintu, ma jiro wakhti cayiman oo la hubo in doorashooyinku ku qabsoomayaan, isla markaana muddo 9 billood ahayd oo koomiishanku hore u sheegay in doorashada madaxtooyadu ku dhacayso ayaan suuragalin.

Dhinaca kale, wali lagama heshiin doorashada hor qabsoomaysa, ta madaxtooyada iyo doorashada ururada, mucaaradka ayaa raba inta ta madaxtooyadu hor qabsoonto halka xukuumaduna rabto ta ururada hor dhacdo.