4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 30, 2023
ATMIS oo shaacisay iney ka jawaabtay weerarkii Al-shabaab ee Saldhiga degmada Buula mareer
 

Talaado, May 30, 2023 (HOL) - Taliska guud ee ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS, ayaa shaaciyay iney weerar ka dabatag ah ay kaga soo aar guteen dagaalamayaashii shabaab ee Jimcihii lasoo dhaafay weerarka geystay Saldhiga ciidanka ATMIS ee degmada Buula mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska ciidanka ATMIS ayaa lagu sheegay in ciidanka ATMIS iyo kuwa xoogga dalka ay weerarka ka dabataga ah ay ku dileen xubno badan oo tirsan kooxda Al-shabaab, islamarkaana ay dib uga soo furteen hub kala duwan oo ay kooxda ka qaadatay Jimcihii lasoo dhaafay Saldhiga ATMIS ee degmada Buula mareer.

”Ciidamada ATMIS iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku guulaystay in ay ka daba tagaan argagixisada Al-Shabaab ee baxsadka ah ee ku lug lahaa weerarkii xerada ciidamada ATMIS ee Buulo Mareer, iyagoo cagta mariyay tiro aad u badan oo argagixisadu ka mid ah. Ciidamada wadajirka ah ayaa sidoo kale soo furtay hub badan oo laga dhacay xerada Buulo Mareer” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska ciidanka ATMIS.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada ATMIS iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay sii xoojinayaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Warkaan kasoo baxay Taliska ATMIS ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Jimcihii lasoo dhaafay kooxda Al-shabaab ay weerar culus oo ku bilowday qaraxyo ku qaaday Saldhig ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Uganda ay ku  lahaayeen degmada Buulo mareer, waxaana xusid mudan in Al-shabaab ay sheegatay in weerarkaasi ay ku dileen 200 oo askari.