4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 29, 2023
Galgaduud: 8 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab oo la dilay, iyo labo sarkaal oo gacanta lagu dhigay

Isniin, May 29, 2023 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay maanta oo isniin ah dileen siddeed katirsan dagaalamayaasha kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena gacanta ku soo dhigeen labo sarkaal oo sare.

Dilkan ayaa ka dambeeyay howlgal gaar ah oo ka dhan ah kooxda Alshabaab ah oo ka dhacay deegaano ku dhow dhow degaanada Galcad iyo Masagawaay ee gobolka Galgaduud ee Galmudug.

Taliyaha ciidamada militariga Soomaaliya ee gobolka Galgaduud, Cismaan Cabdullaahi oo wareysi siiyay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in howlgalka uu dhacay xilli ay ciidamadu ku jireen roondo, isagoo sheegay in howlgalladan ay guulo ka gaareen.

“Ciidanka Xoogga dalka waxa ay dileen 8 ka tirsan argagixisada, waxaana gacanta ku soo dhigay laba sarkaal oo sare oo u qaabilsanaa sirdoonka iyo canshuur uruurinta kooxdan ee ku sugan gobolka Galguduud, waxaan u gudbin doonnaa maxkamadaha ay khuseyso si loo soo qabto,” ayuu yiri.

Howlgalladan ayaa kusoo aaday xilli maalmo ka hor ay ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah dagaalamayaasha kooxda Alshabaab.