6/4/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 26, 2023
Midowga Yurub oo 20.5 milyan oo Yuuro ku taageerayo miisaaniyadda Soomaaliya

Jimco, May 26, 2023 (HOL) - Midowga Yurub (EU) ayaa ansixiyay lacag dhan 20.5 milyan oo Yuuro oo taageero miisaaniyadeed ah oo la siinayo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS).

Taageeradan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo Dowladda federalka iyo Midowga Yurub ay billaabeen Qorshe Hawleedka Wadajirka ah ee wada-shaqeynta Midowga Yurub iyo Soomaaliya, kaasoo qeexaya mudnaanta labada sano ee soo socota.

Bixinta lacagtan, Midowga Yurub wuxuu ku taageerayaa Dowladda federalka si ay u fuliso qorshaheeda horumarinta iyo xasilinta qaranka ayna ku sii socoto waddadii ay ku socon lahayd geeddi-socodka Waddamada Faqiirka ah ee deymaha badan lagu leeyahay (HIPC).

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Tiina Intelmann, ayaa tiri: Soomaaliya waxay dhawaan gaari doontaa guul taariikhi ah, taasoo keeni doonta fursado cusub laakiin sidoo kale caqabado. Kordhinta abaabulka kheyraadka gudaha iyo sii wanaajinta maamulka maaliyadda ayaa gabi ahaanba muhiim u ah horumarinta ajendaha dib u habeynta dhaqaalaha iyo sii wadida dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Midowga Yurub wuxuu sheegay inuu rajeynayo inuu sii wado taageerada iyo wada shaqeyn dhow oo uu la yeesho Soomaaliya si loo xaqiijiyo in adeegyo badan oo wanaagsan la gaarsiiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Dr. Elmi Mahamoud Nur, Wasiirka Maaliyadda XFS, ayaa soo dhoweeyay taageerada cusub ee Midowga Yurub isago ku tilmaamay, il aad u qiimo badan oo kaalmo ah si loo xaqiijiyo in dowladdu xoojiso dib u habeynta socota iyo gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.












Click here
5/26/2023 10:40 AM EST
Jimco, May 26, 2023 (HOL) - Taliska ciidanka midowga Afrika ee ATMIS ayaa war saxaafadeed kasoo saaray weerarkii Alshabaab ay saakay waaberigii ku qaadeen saldhiggooda ku yaallay Buulo Mareer oo 120-km Koonfur-galbeed ka xigta Muqdisho.

5/26/2023 5:27 AM EST
Jimco, May 26, 2023 (HOL) - Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay in la wareegeen saldhigii ciidamada ATMIS ay ku lahaayeem degmada Buulomareer ee gobolka Shabeelada hoose.

5/26/2023 2:41 AM EST
Jimco, May 26, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay taageero maaliyadeed oo uu Midowga Yurub ku caawinayo dowladda Federaalka ah, taageeradaas oo ah kabis miisaaniyadeed.

5/26/2023 2:05 AM EST
Jimco, May 26, 2023 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay heshay lacag dhan 2.4 bilyan oo dollar si loogu maalgeliyo hawlgallada gargaarka ee ilaa 32 milyan oo qof oo ku kala nool Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya.

5/26/2023 2:00 AM EST
Jimco, May 26, 2023 (HOL) - Tirinta codadka doorashada dowladaha hoose ee Puntland ayaa meel gabagabo ah maraysa, iyadoo ururada qaarkood aad isugu dhow yihiin codadka.