6/4/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 23, 2023
Maraykanka oo sheegay inuu duqayn ka fuliyay degmada Jilib

Talaado, May 23, 2023 (HOL) - Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaa-meedsaday kooxda Al-Shabaab, ka fuliyay degmada Jilib, May 20, 2023.

Sida uu sheegay Timothy S. Pietrack, ku xigeenka Madaxa Waaxda hawlaha guud ee AFRICOM, qiimeynta bilowga ah ee weerarkan ayaa waxay muujineysaa in duqeyntaasi la fuliyay iyadoo aan wax dhibaato ah loo geysan shacabka.

Lama sheegin bartilmaameedka gaarka ah ee weerarkan, inkastoo Jilib ay tahay xarunta ugu weyn ee ay ku sugan yihiin madaxda ugu sarreysa Alshabaab, ayna ku sugan yihiin ciidankooda ugu badan.

AFRICOM ayaa wrerarkan ku sheegtay tallaabo muhiim ah oo ku aaddan dadaallada joogtada ah ee Mareykanka iyo xulafadiisa ay kula dagaallamayaan kooxda Al-Shabaab, oo mas’uul ka ah falal badan oo argigixiso oo ka dhacay gobolka.

Dowladdda Maraykanka ayaa sheegtay in Alshabaab ay tahay koox weli adkeysi leh, taasoo u baahan dadaal joogto ah oo caalami ah si ay uga hortagtaan khatartooda.












Click here
5/23/2023 10:54 AM EST
Talaado, May, 23, 2023 (HOL) - Dekedda Berbera ee Somaliland ayaa ka hormartay dekedda wayn ee Mombasa ee dalka Kenya sida lagu sheegay qiimayn uu sameeyay Bangiga Adduunka.

5/23/2023 7:56 AM EST
Talaado, May 23, 2023 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta oo Talaado ah magaalada Sharma el-Sheekh kaga qayb-galay shirka sannadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika (AFDB).

5/23/2023 7:31 AM EST
Talaado, May, 23, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in xasarado ka taaganyihiin badanka gobolada Somaliland.

5/23/2023 3:45 AM EST
Talaado, May 23, 2023 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Maanta halkaasi ay ka taagan xiisad dagaal oo u dhaxeysa laba maleeshiyo beeleed oo wada dega degmada Wanlaweyn iyo nawaaxigeeda.

5/23/2023 2:03 AM EST
Talaado, May 23, 2023 (HOL) - Isimada iyo nabadoonada gobolka Nugaal ayaa xal ka gaaray khilaaf ka taagnaa doorashada golayaasha deegaaanka Puntland, khilaafkaas oo dhaliyay dhimasho iyo qalalqal ku yimid amnigii Garowe.