6/4/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 22, 2023
Howlgal laga sameeyay Muqdisho oo lagu soo qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab iyo waxyaabaha maanka dooriya

Isniin, May 22, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalo qorsheysan oo ay Xalay ciidanka dowladda ka sameeyeen degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, kaasoo lagu soo qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab iyo waxyabaaha maanka dooriya.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Booliska qeybta guud ee gobolka banaadir ayaa lagu sheegay in howlgalka loogu magac daray Ciiltire ay ciidanka kusoo qabteen laba nin oo lala xariiriyay iney ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab.

“Howlgal ka dhacay degmada Howlwadaag ayaa lagu soo qabtay 2 eedeysane oo la rumeysanyahay iney Khawaarij yihiin” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliiska gobolka Banaadir.

Qoraalka Booliiska gobolka Banaadir ayaa sidoo kale lagu sheegay in cidamada ay howlgalkaasi ay kusoo qabteen maan dooriye isugu jira Qamri, Calaq iyo qof ku eedeysan inuu waday maan dooriyaha.

"Ciidanka Amaanka ayaa caawa fiidkii howlgalka Ciiltire ku soo qabtay Maandooriyaha (Qamri iyo Calaq) Dagmada Holwadaag, gaar ahaan Waaxda 2-aad ee Saqawadiin. Howlgalka Ciiltire ee Ciidanka Boliiska, NISA iyo Polizia Militare ayaa ujeedkiisu yahay Xaqiijinta Amniga, Ciribtirka Khawaarijta, Burcadda Iyo Maandooriyaha. Sidoo kale, waxaa lala soo qabtay eedeysanihii waday maan dooriyaha" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Taliska Booliiska gobolka Banaadir.

Ciidamada Boliiska, NISA iyo Polizia Militare ayaa bilahii lasoo dhaafay degmooyinka magaalada Muqdisho ka waday howlgalo culus oo wax badan ka badalay amaanka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.












Click here
5/22/2023 2:30 PM EST
Isniin, May 22, 2023 (HOL) - Beesha caalamka ayaa Puntland ku bogaadisay sida ay uga go'antahay inay ka mirodhaliyaan ballanqaadkooda ku aadan hirgalinta nidaamka dimoqraadiyadda.

5/22/2023 12:25 PM EST
Isniin, May 22, 2023 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkii mudada labada sano ah ka socday gobolka Tigray, kaas oo dhinacyadii uu dagaalku ka dhaxeeyay ay dhawaan heshiiyeen.

5/22/2023 6:13 AM EST
Isniin, May 22, 2023 (HOL) - Cabdulqaadir Xasan Cabdulle (Sheelare) oo ahaa askari dowladda katirsan, kaasoo lix qof oo shacab ah ku dilay qori Dhashiike ah intii lagu gudo jiray shaqaaqo ka dhacday isgoyska Siinaay ee degmada Yaaqshiid, ayaa maanta lagu xukumay dil toogasho.

5/22/2023 4:36 AM EST
Isniin, May 22, 2023 (HOL) - Sarkaal ciidan oo horey usoo noqday taliye ku xigeenkii ciidanka ilaalada ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe ayaa saakay lagu dilay magaalada Garowe.

5/22/2023 2:30 AM EST
Isniin, May 22, 2023 (HOL) - Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ku heshiiyey in sare loo qaado amniga dowlad goboleedka Hirshabeelle kadib wada hadalo magaalada Jowhar ku dhex maray taliyeyaasha labada dhinac.

5/22/2023 2:19 AM EST
Isniin, May 22, 2023 (HOL) - Wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo sagaalkii bishaan ku fatahay xaafadaha Baledweyne oo sababatay barakaca kumanaan qoys ayaa saacadahii lasoo dhaafay bilaabay inuu ka naqo xaafadaha qaar.

5/22/2023 2:11 AM EST
Isniin, May 22, 2023 (HOL) - Dadka ku nool tuulooyinka xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ee ismaamulka Lamu ayaa aad ugu farxay kadib markii lagu dhawaaqay in 90 maalmood gudahood la furayo xadka Kenya iyo Soomaaliya.