4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 21, 2023
Faysal Cali Waraabe oo sheegay in anay Somaliland la hadli doonin Cabdikariin Xuseen Guuleed

Axad, May, 21, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Somaliland anay la hadli doonin ergayga wadahadal Somaliland iyo Soomaaliya ee dhawaan uu Madaxweyne Xasan Sheekh magacaabay.

Faysal Cali Waraabe oo ka cadhooday hadal uu dhawaan Ergay Cabdikariin Xuseen Guuleed kaga hadlay arrimaha Laascaanoood kuna baaqay in ciidamada la kala qaado, ayaa madaxweyne Xasan ugu baaqay in uu badalo Guuleed.

"Agtiisa mari mayno, ha soo badalo haduu doonayo Xasan Sheekh lakiin kan asaasaqa ah agtiisa mari mayno, maantana muuqaal ayaan u daaray oo aan ku idhi waar beenaale ayaad tahe naga fadhiiso, maalintii aynu nimanka la fadhiisanay ayaynu jabnay" ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Hadaba, Waraabe ayaa todobaado uun ka hor soo dhaweeyay magacaabista Guuleed, isaga oo usoo jeediyay in uu ka shaqeeyo dib usoo celinta heshiisyadii aan hirgalin ee Somaliland iyo Soomaaliya horay ugu heshiiyeen.

Guddoomiyaha oo hore uga mid ahaa wadahadaladii mudada dheer socday ayaa hada aaminsan in anay Somaliland ku deg degin wadahadal kale.