4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 21, 2023
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inuu geeriyooday horjooge sare oo katirsan Alshabaab

Axad, May, 21, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu geeriyooday horgooje sare oo katirsanaa kooxda Alshabaab oo lagu magacaabo Mahad Cagadub.

Horjoogahan ayaa dhintay kadib markii ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku baacsadeen meel u dhow degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Dowladdu waxay kaloo sheegtay in labo ka mid ah ilaaladiisa gacanta lagu dhigay.

War saxaaafadeed kasoo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay in horjoogahan oo ahaa Madaxii Alshabaab u qaabilsanaa sakawaadka ee deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud uu wadne istaag u dhintay kadib markii uu isku dayey inuu orad kaga baxsado ciidamadda dowladda oo howlgalo qorsheysan ka fulinayay deeggaano ku dhaw Galcad.

Mahad Cagaduub oo ahaa madaxii sakawaadka deegaanada Meexaan, towfiiq, Cali afrax, bud bud iyo Ceel Raydab ayay dowladdu sheegtay in lagu soo qabtay kadib Howlgal ay Ciidamada Dowladda ka sameeyeen Deegaanka Towfiiq  oo 15 KM dhanka Waqooyi kaga Beegan Galcad.

Koox ka tirsan Alshabaab ayaa weerar arbushaad ah ku soo qaaday ciiidankii soo qabtay xilligaas, wuxuuna isku dayay in uu baxsado lakiin markii uu ugu yaraan 3km ordayay ayuu wadnaha istaagay.