4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 9 , 2023
Garaad Mukhtaar: Markasta oo ay isticmaalaan kalmada 'xabad-joojin' waa dagaal
 

Khamiis, Maarso, 9, 2023 (HOL) - Garaad Mukhtaar Garaad Cali, ayaa sheegay in aanu wadahadal suuragal ahayn ilaa oo Somaliland ciidamadeeda Oog gayso.

Garaadka oo u waramay Gaylan Media ayaa sheegay in xabad joojinta Somaliland markale ku dhawaaqday ay ka dhigantahay dagaal, sida uu hadalka u dhigay.

"Markasta oo ay isticmaalaan kalmada 'xabad joojin' xagan macno ayay noo leedahay, waa dagaal ayaanu soo qaadanaynaaye diyaar garooba, markasta oo kalmadaasi kasoo dhacdo xagoodana duulaan ayaa soo socda" ayuu yidhi Garaad Cali.

Waxa uu sheegay in dhankooda ay xabad joojinta soo dhawaynayaan, isla markaana ay aqbaleen dhexdhexaadinta Itoobiya, lakiin anay wadahadal iyo xabad joojin rasmi ahi jiri karin inta ciidanka Somaliland oo gobolka joogo.

Dhanka kale, isaga oo ka jawaabaya hadalka Somaliland ee ah in xoogaga ka dagaalamaya Laascaanood ay ka baxaan magaalada, ayuu sheegay in anay suuragal ahayn in ciidamada deegaanka iyo kuwa kale ee gurmadka ugu yimid ay baxaan ciidanka Somaliland oo jooga.

Somaliland ayaa maanta sheegtay in xoogaga Laascaanood kula dagaalamayaa ay ka baxaan magaalada, halka garaadada dhankoodu ay rabaan in ciidamada Somaliland ay ka baxaan deegaanadooda.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]