4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 9 , 2023
Somaliland oo sheegtay in ciidamo ka yimid Dowlada Deegaanka Soomaalida ay Laascaanood joogaan

Khamiis, Maarso, 9, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ciidamo ka yimid Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ay kamid yihiin xoogaga dagaalka kula jira ciidamada Somaliland ee Laascaanood.

Shirka Khamiis laha ah ee Golaha Wasiirada Somaliland oo laga soo saaray go'aamo khuseeya xaalada Laascaanood, ayaa ciidamada ku sugan magaalada oo ay sheegeen in ay kamid yihiin ciidamo ka yimid Dowlada Deegaanka Soomaalida, ugu baaqay in ay ka baxaan magaalada.

"In Gobolka Sool, gaar ahaan Magaalada Laascaanood ay ka baxaan ciidamada huwanta ah ee ka soo tallaabay xuduuda caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, sida kuwa Maamul Goboleed Soomaaliya ee Puntland, ciidamada kala duwan ee ay dawladuhu u soo tababareen Dowladda Federalka Soomaaliya iyo kuwa yimid Dawlad Deegaanka Soomaalida".

Somaliland ayaa hore u sheegtay in ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Federaalka Soomaaliya, Puntland iyo Al Shabaab ay ka dagaalamayaan magaalada Laascaanood, lakiin waa markii ugu horaysay ee ay xukuumadu carabaabto ciidamo ka yimid Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Qodobada shirka ayaa waxa kale oo lagu sheegay in xukuumada Somaliland ay diyaar u tahay in xaalada Laascaanood lagu dhameeyo nabad iyo wadahadal, waxa kale oo ay hay'adaha gargaarka ugu baaqday in cuno la gaadhsiiyo dadka colaada ka barakacay.

Ururka Alshabaab iyo Puntland ayaa beeniyay in ay qayb ka yihiin dagaalka magaalada Laascaanood, lakiin xukuumada ayaa ku andacoonaysa in Puntland ay dagaalka daaha dabadiisa kaga jirto, iyo kooxo argagixiso ahi joogaan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]