4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 21, 2023
Weerar xoogan oo qarax ku bilaawday oo ka dhacay deegaanka Ruunnirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Talaado, Maarso, 21, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ku bilaawday qarax culus oo uu xigay dagaal fool ka fool ah oo saakay aroornimadii hore ka dhacay deegaanka Ruunnirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qaraxa iyo weerarka is xigay ayaa dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab waxay ku beegsadeen Saldhig ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ku lahayeen deegaanka Ruunnirgood, waxaana la tilmaamay in dagaalka halkaasi ku dhexmaray labada dhinac uu ahaa mid aad u xoogan oo qaatay ku dhawaad hal saac oo xiriir ah.

Dhawaaqa hubka culus ee dhinacyadu isku adeegsanayeen ayaa laga maqlaayay tuulooyin badan oo hoostaga deegaanka Ruunnirgood, hayeeshe wali lama oga khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac ee dagaalka xoogan uu ku dhexmaray deegaanka Ruunnirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarkaan ayaa imaanaya, iyadoo Shalay aroortii hore weerar noocaan oo kale ah ay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen Saldhig ku yaala duuleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo ay ku sugnayeen ciidamo dadka deegaanka ah loo tababaray ku biirista dagaalada ka dhanka Shabaab.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.