4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 20, 2023
Booliiska Soomaaliya oo goob fagaare ah ku gubay Maandooriye badan oo ay gacanta kusoo dhigeen

Isniin, Maarso, 20, 2023 (HOL) - Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa duuleedka degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho kusoo bandhigay waxyaabaha maanka dooriya oo ay ciidamada gacanta kusoo dhigeen, islamarkaana fagaare ku gubay.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in ciidanka Booliiska ay magaalada Muqdisho iyo deegaanada hoos yimaada ka wadaan Howlgalo ka dhan ah la dagaalanka Muqaadaraadka iyo Buracada hubaysan.

Afhayeenka Booliiska ayaa sido kale sheegay in howlgalkaan saacadahii ugu dambeeyay ciidamada ay ku soo qabteen dhowr Jawaan oo isugu jira qeybaha kala duwan ee waxyaabaha maanka dooriya iyo lix ruux oo gacanta ku haayay Maandooriyaha lasoo qabtay oo la gubay.

"Ciidankeena waxay Muqdisho iyo nawaaxigeeda ka wadaan howlgalada lagula dagaalamayo Muqaadaraadka noocyadiisa, waxaan howlgalkii ugu dambeeyay kuso qabanay lix jawaan oo Xashiish ah, dhalooyin ay ku jiraan Calaq iyo kaniiniyaal ka mid ah maandooriyaha fagaare ayaana ku gubnay oo wad aragtaan" ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Doodishe.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmahii lasoo dhaafay si aad ah u laba jibaaray howlgalada ka dhanka ah waxyaabaha Maanka dooriya oo ay ka wadaan duuleedka iyo gudaha magaalada Muqdisho.