4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 20, 2023
Somaliland oo beenisay in ay dil ku xukuntay maxaabiistii lagu qabtay dagaalka Laascaanood
 

Isniin, Maarso, 20, 2023 (HOL) - Koomiishanka Xuquuqal Insaanka Somaliland ayaa beeniyay in maxkamad la geeyay ama la jidh dilay, qaar kamid ah maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalka Laascaanood.

Agaasimaha Waaxda Fulinta ee Koomishanka Xuquuqal Insaanka Somaliland Cabdiqani Sacad Xasan, ayaa beeniyay in ay jiraan maxabiis maxmad la geeyay ama la jidh dilay.

"Waxa jira warar been abuura oo laysla dhexmarayay oo ahaa in maxkamad la geeyay maxaabiista qaarkood ama jidh dil loo gaystay, may jirin cid maxkamad la geeyay" ayuu yidhi Sacad kadib booqasho uu koomiishanku ugu tagay maxaabiista.

Waxa uu sheegay in maxaabiista si wanaagsan loola dhaqmay isla markaana uu caafimaad koodu aad u fiicanyahay, oo ay sheegeen in loola dhaqmay si lamid ah sida maxaabiista kale.

"Guud ahaan waxay noo sheegeen maxaabiistaasi in ay habla-dhaqanka iyo sida loo hayaaba tahay sidii ugu wanaagsanayd, waxay noo sheegeen in xaaladooda caafimaad ay 100% tahay, inkasta oo qaarkood xasaasiyad ka cabanayeen kuwaana dhakhtarkii ayaanu tusnay" ayuu yidhi Sacad.

Afhayeenka Guddida 33-ka Cabdirisaaq Maxamed Xasan Falaalug, ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay dishay maxaabiistii ay ku qabatay dagaalkii ugu danbeeyay ee ka dhaca Laascaanood.