4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 20, 2023
Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo ku guuleystay Abaalmarin heer Caalami ah

Isniin, Maarso, 20, 2023 (HOL) - Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku guuleystay abaalmarin heer Caalami ah oo ay sanad walba bixiso hay'adda Central Banking ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska.

Abaalmarintaan ayaa la sheegay in Bankiga dhexe es Soomaaliya uu ku muteystay hirgelinta hanaanka lacag bixinta qaranka iyo waliba isku xirka dhamaan Bankiyada ka howlgala gudaha dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in abaalmarintan ay ku timid dadaal dheeraad ah oo ay sameyeen howlwadeenada Bankiga dhexe, islamarkaana horumar la taaban karo ka gaaray dib u dhiska hanaanka Maaliyadeed ee dalka.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa ka mahadceliyay abaalnarintaan ay guddoon siiyeen Bankiga dhexe ee Soomaaliya guddiga hay'adda Central Banking, isagoona sidoo kale xusay in Bankiga dhexe ee Soomaaliya ay ka go'an tahay ilaalinta xasiloonida hanaanka Maaliyadda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Hoos ka Akhriso Warsaxafadeed faahfaahsan oo kasoo baxay Bankiga dhexe ee Soomaaliya:-