4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 20, 2023
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Saakay Baydhabo ku toogatay laba nin

Isniin, Maarso, 20, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida gaar ahaan qeybta 60-aad ayaa saakay markale xukun dil toogasho ah ka fulisay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Maxakamada ayaa toogashada ku fulisay laba nin oo lagu kala magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cali Xasan Sugow iyo Yaasiin Maxamed Aadan oo ay Maxkamada horey dil ugu xukuntey.

Labadaan nin ayaa la sheegay iney horay u geysteen dilal kala duwan, islamarkaana maanta la marsiiyay qisaasta dilalkii ay horay u geysteen.

Toogashada ragaan ayaa ka dhacday halka loo yaqaano Caratuurka oo Baydhabo dhinaca Waqooyi kaga beegan, waxaana xusid mudan in isla goobtaan Shalay subax lagu toogtay la nin oo iyagana horay u geystay dilal kala duwan.

Fagaaraha lagu toogtay labadaan nin waxaa u soo dhaawasho tagay shacab fara badan oo ka kala yimid xaafadaha Baydhabo iyo qaar ka mid ah ehalada labada dhinac.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa weli waxaa u xiran rag dil sugayaal ah, kuwaasoo ka kala tirsan ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa kooxda Al-Shabaab.