4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 2 , 2023
Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti oo ku heshiiyay inay ciidamo la dagaalama Alshabaab keeni doonaan Soomaaliya
 

Khamiis, Maarso, 2, 2023 (HOL) - Dowladaha Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti ayaa iska kaashanaya la dagaalanka Alshabaab, iyadoo ciidamo awood leh oo dalalkan ka socda ay kusoo wajahan yihiin Soomaaliya.

Warar Hiiraan Online soo xaqiijisay ayaa sheegaya in saddexdan dal ay isku raaceen inay ciidamo ugu taburacaan Soomaaliya, si loo qaado howlgal ballaaran oo Shabaab looga xoreynayo deegaanada ay ku sugan yihiin ee Jubboooyinka iyo K/galbeed.

Sida aan xogta ku helnay, Dowladda Itoobiya ayaa ciidamada ugu badan oo gaaraya 30,000 askari keenaysa, waxaana ciidamadan saldhigooda uu noqonayaa magaalada Muqdisho, waxaana madax u noqonaya sarkaal katirsan dowladda Itoobiya.

Keenista ciidankan waxay ka dhalatay shirar ka dhacay dalalkan oo ay dowladda Soomaaliya ku codsatay in laga taageero sidii Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay ku harsan yihiin.

Waxaa xusid mudan inaysan ciidamadan qeyb ka ahayn ciidamada kale ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ku jooga magaca ATMIS.

Imaanshiyaha ciidamadan waxay kusoo beegantay xilli ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dib u xoraynta ay ku guulaysteen inay Alshabaab ka saaraan badi deegaanada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Alshabaab ayaa hadda ku harsan deegaano kooban oo ay kuyaala bariga gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Mudug. Waxayna dowladda ku sameysay go'doomin deegaanada ay ku harsan yihiin.