4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 2 , 2023
Aag cusub oo cashuuraha ka caagan oo laga daah furay magaalada Berbera
 

Khamiis, March, 2, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah xadhiga uga jaray aag cashuuraha ka caagan oo shirkada DPWorld, ay ka hirgalisay magaalada Berbera.

Madaxweynaha ayaa sheegay in mashruucani uu dekeda Berbera ka dhigayo mid la tartanta dekedaha caalamiga ah, isaga oo sheegay in ay isticmaali doonaan waddamada aan badaha lahayn ee Afrika.

"Mashaariicda laga hirgaliyay Berbera waxay ka dhigayaan dekedda Berbera in ay noqoto deked la tartanta dekedaha caalamiga ah, deked u adeegta gobolkan aynu daganahay iyo dhamaan waddamada aan dekedaha lahayn ee Afrika" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in agaani uu abuurayo is dhexgal dhaqaale oo dhexmara Somaliland iyo waddamada kale, shaqa abuur badan, iyo is waydaarsi aqooneed iyo khibradeed, isla markaana waxa uu sheegay in uu dekeda ka dhigayo mid caalami ah.

Shirkado badan oo iskugu jira qaar waddani ah iyo qaar caalami ah ayaa iska diwaangaliyay agaan, waxayna dhankooda soo dhaweeyeen daahfurka mashruucan, iyaga oo sheegay in ay igu ku faraxsanyihiin in ay qayb ka noqdaan shirkadaha isticmaali doono aagan.

Xaflada furitaanka ayaa waxa kasoo qaybgalay madaxda shirkada DPWorld, madaxda shirkadaha iska diwaangaliyay aagan, wufuud kale oo ka socda dowladaha mashruucan danaynaya, iyo madaxda iyo haldoorka Somaliland.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]