4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 2 , 2023
Dowladda Uganda oo ciidamo cusub oo ka socda qeybta Booliska usoo dirtay Soomaaliya
 

Khamiis, Maarso, 2, 2023 (HOL) - Dowladda Uganda ayaa ciidamo cusub oo booliis ah u dirtay Soomaaliya, si ay uga hoos shaqeeyaan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Ciidamadan oo gaaraya 144 sarkaal ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana qaabilay saraakiil sare oo ka tirsan booliska ATMIS.

Warsaxaafadeed kasoo baxay ATMIS, ayaa lagu sheegay in ciidamadan ay ka garab shaqeyn doonaan cutubyo kale iyo saraakiil boolis gaar ah si ay taageero shaqo iyo tayayn u siiyaan dhigooda Booliiska Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa noqonaya kuwii kow iyo tobnaad ee ay booliiska Uganda u soo daadgureeyaan Soomaaliya si ay u taageeraan howlgallada taageerada nabadda ee Midowga Afrika.

Waxa ay bedelayaan cutubkii tobnaad oo dhawaan soo gabagabeeyay socdaalkoodii shaqo ee Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa waxay ilaalin doonaan xarumaha muhiimka ah ee dowladda, bixinta waajibaadka gelbinta ee Saraakiisha Booliska Shakhsi ahaaneed, iyo samaynta howlgallada wadajir ka ah.