4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 2 , 2023
Golaha wasiiradda Soomaaliya oo go'aan kasoo saaray dhibaatooyinka loo geysto darawaliinta Mooto Bajaajta

Khamiis, Maarso, 2, 2023 (HOL) - Golaha wasiiradda ee xukuumdda Soomaaliya ayaa soo saaray go’aamo looga hortagayo dhibaatooyinka ay la kulmaan darawaliinta ku shaqeysta mooto Bajaajta ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in golaha wasiiraddu ay amreen in baraha kantaroolada la geeyo askar aan balwad lahayn oo u tababaran ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Afhayeenka xukuumaddu wuxuu sheegay in golaha wasiiraddu uu guddi u saaray sidii loola socon lahaa baraha kantaroolada, si dabagal loogu sameeyo dhibaatada ay geysteen askarta.

Go’aannadan kasoo baxay golaha wasiiradda ayaa kusoo beegmaya, xilli maalmihii ugu dambeeyay ay sii kordhayee dilalka loo geysanayo darawaliinta mooto bajaajta.

48saac ugu dambeeyay, magaalada Muqdisho labo darawal oo mooto bajaaj ah ayaa lagu dilay. Mid kamid ah xalay ayaa waxaa dardaray gaari xamuul ah.

Wadayaasha Mooto bajaaja ayaa sameeyay iskusoo bax loogasoo horjeedo dilalka sii kordhaya ee askarta dowladdu geysanayaan iyo inaan caddaaladda la horkeenin kuwa ka dambeeyay falalkan.