4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 2 , 2023
Dab xooggan oo ka kacay mid kamid ah suuqyada magaalada Jigjiga
 

Khamiis, Maarso, 2, 2023 (HOL) - Wararka aanu ka helayno dowlad degaanka Soomaalida gaar ahaan magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in maanta uu dab weyn ka kacay Suuqa Khudaarta ee magaalada Jigjiga.

Dabkan oo billaabay subaxnimadii hore ee maanta ayaa keenay khasaare hantiyeed oo badan, inkastoo aan wali la shaacin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dabkan, haddana waxaa lasoo sheegayaa inuu dabkani ku fiday meherado badan oo suuqan ku yaallay, kuwaas oo badankoodu baaba'ay.

Hay'adaha amniga ee magaalada Jigjiga iyo shacabkii magaalada oo soo gurmaday ayaa ku guulaystay in ugu dambayn la xakameeyo dabkan, iyadoo dab damiska magaaladuna ay qayb ka qaadatay xakamaynta dabkan.

Wali lama ogaan waxa sababay dabkan, dowladduna wali kamaysan hadlin arrintan, inkastoo goobta dabku ka kacay uu markii dambe soo gaareen masuuliyiinta maamulka magaalada Jigjiga uu u horreeyo duqa magaalada Jigjiga Eng. Siyaad Abdi Axmed.

Ma ahan markii u horreysay ee dab ka kaco suuqa magaalada Jigjiga, horey marar kale ayay sidan oo kale dab uga kacay goobo ganacsi oo ku yaal magaalada Jigjiga, Magaalada ayaa la sheegaa inay ku yar yihiin adeegga dab damiska ah taas oo keenta inay bas beelaan goobaha uu dabku kaco.