4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 2 , 2023
Xildhibaan ka tirsanaa Golaha deegaanka degmada Badhan oo lagu dilay Boosaaso
 

Khamiis, Maarso, 2, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari ayaa sheegaya inuu geeriyooday Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka degmada Badhan ee gobolka Sanaag oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Xaaji Maxamed.

Xildhibaanka ka tirsanaa Golaha deegaanka Badhan ayaa la sheegay inuu saakay u geeriyooday dhaawac culus oo Xalay kasoo gaaray rasaas qeybaha sare ee jirkiisa kaga dhufteen kooxo hubeysnaa.

Kooxaha hubeysnaa ee fuliyay dilka Xildhibaanka ayaa la sheegay iney isaga baxsadeen goobta, iyadoo dilka kadib ay halkaasi gaareen ciidamo ka tirsan kuwa amaanka magaalada Boosaaso oo baaritaano aan wali natijadooda la shaacin halkaasi ka sameeyay.

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa inta badan ka dhaca dilal iyo weeraro qorsheysan oo ay masuliyadooda sheegteen kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, hayeeshee majirto wali cid sheegatay masuuliyada dilka Xildhibaankaan ka mid ka ahaa Golaha deegaanka magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.