4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 2 , 2023
Mareykanka oo kordhiyay taageerada uu siiyo Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab
 

Khamiis, Maarso, 2, 2023 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay kaalmada milatari ee uu siiyo Soomaaliya, kaddib guulaha laga gaaray dagaalka kooxda Alshabaab.

Lixdan iyo kow tan oo hub iyo rasaas ah ayaa Talaadadii soo gaaray magaalada Muqdisho.

Mareykanka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in uu taageerayo duullaanka taariikhiga ah ee Soomaaliya ay hoggaamineyso ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sanadkii hore ku dhawaaqay dagaal guud oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaaas oo muddo toban sano ka badan ka talinayay qeybo ka mid ah gobollada dalka, isla markaana ay ka fuliyeen weeraro khasaare ba'an geystay.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 450-askari oo militari ah, kadib markii Joe Biden uu ka laabtay go'aankii madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Donald Trump uu ciidamada Maraykanka uga saaray gudaha Soomaaliya.

Kordhinta taageerada duulaanka ay Soomaaliya hormuudka ka tahay ayaa imaanaysa iyadoo lagu wado in ciidamada Midowga Afrika ay ka baxaan Soomaaliya dhamaadka 2024-ka.