4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 2 , 2023
Soomaaliya iyo Suudaan oo kala saxiixday heshiis dhinac Tayo-dhowrka ah
 

Khamiis, Maarso, 2, 2023 (HOL) - Magaalada Khartoum ee dalka Suudaan waxaa heshiis ku kala saxiixday Hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliya iyo Hay’adda tayo dhowrka Sudan .

Heshiiskan ayaa looga gol leeyahay sara uqaadista aqoonta shaqaalaha Hay’adaha Tayo Dhawra labada dal iyo adkeynta xirirka wada shaqeyneed.

Labada hay'adood ayaa isku afgartay isdhaafsiga shaqaalaha iyo khibradaha la xiriira sheybaarada iyo hormarinta cilmi baarisyada Tayo dhowrka.

Waa heshiiskii ugu horeeyay ee nuuciisa ah oo ay kala saxiixdaan labada dal ee Soomaaliya iyo Suudan.

Dowladaha Soomaaliya iyo Sudan ayaa horey heshiisyo dhowr ah u galay, waxaana ugu dambeeyay heshiis dhinaca lacagta ah.

Heshiiskaas ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas ku sugan looga cafiyay lacagaha deganaanshaha iyo kaararka shaqada.