4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 19, 2023
Dowladaha Soomaaliya iyo Sudan oo Muqdisho ku kala saxiixday heshiis Maalgashi
 

Axad, Maarso, 19, 2023 (HOL) - Wasiirka Waaaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beene beene ayaa Maanta heshiis ku saabsan iskaashiga dhanka Maalgashiga ah la saxiixday Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Sudan Ahlam Madani Mahdi oo shalay soo gaartay Magaalada Muqdisho, isagoona daahfuray Madasha Maalgashiga ganacsiga dalalka Soomaaliya iyo Sudan oo mudo labo maalmood ah ka socon doonta Muqdisho

Madashaan ayaa wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Soomaaliya waxa uu sheegey iney tahay mid mudada ay socota labada dhinac ee Soomaaliya iyo Sudan ay isku weedaarsan doonaan waxyaabaha dal walba uu doonayo inuu maalgashto.

Madashaan Maanta la daahfuray waxaa goobjoog ah oo ka qeybgalay masuuliyiin ka socota dowlada Sudan oo ay hogaaminayso Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga dalka Sudan Ahlam Madani Mahdi iyo waliba shirkado ganacsi oo ka kala socda labada dowladood ee Soomaaliya iyo Sudan.

"Ujeedka madashan waa is  dhaxgalka ganacsatadda labada wadan ee Sudan iyo Soomaaliya, wuxuuna ku qotoma walaaltanimo, iskaashi waxaana lagu kala saxiixday is fahan dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga ah labada maalmood ee soo socota waxay ganacsatada laba dal soo bandhigi doonaan waxyaabaha ay daneynayaan in mid walba uu maalgashto, waxaa la jooga xiligii dalkeena uu la jaanqaadi laha aduunka oo la maalgashan laha isna uu maalgashi sameyn lahaa" ayuu yiri Wasiir Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene.

Wasiir Beene Beene ayaa sidoo kale rajo aad u wanaagsan ka muujiyay in xiriirka adag ee soo jireynka ah ee ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Sudan inuu fursad wanaagsan siin doono maalgashatada labada dowladood, islamarkaana gabagabada Madashaan ay soo saari doonaan go'aano farxad galinaya ganacsatada Soomaaliyeed.